Caddeymaha sidda wax looga bedelay xeerarkii doorashada oo la shaaciyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Gudoonka Aqalka Sarre ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo bandhigay caddeymaha wax ka bedelka lagu sameyay afarta xeer doorasho ee loo qaybiyey Golaha Shacabka.

Sidda ku xusan caddeymaha oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online, illaa 27 Qodob ayaa wax ka bedel lagu sameeyay xeerkii doorashooyinka Guddiga wadajirka Labada Aqal ee waddanka ay soo diyaariyeen.

Aqalka Hoose ayaa todobaadkii hore bilaabay in uu ka doodo xeerarkaan, oo laba kamid ah la ansixiyey, labada kalena ay doodi ka socoto.

Qaar kamid ah qodobada ugu miisaanka culus ee wax ka bedelka lagu sameeyay ayaa kala ah; in la laalay doorkii Aqalka Sarre ee xeerkan – meelmarin iyo ka doodisba iyo in kuraasta qaarkood loo raray degaano kale.

Afhayeenka Senate-ka, Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo si adag uga digay in ay sidda haatan wax ku socdaan lagu meelmariyo, ayaa guddiga doorashooyinka madaxa-banaan ku waaniyey in aysan ku shaqeyn go'aanada soo baxa.

Cabdi Xaashi oo war-saxaafadeed soo saarey ayaanan si gaar ah u carabaabin cidda ka dambeysa arrintaan, hase ahaatee, waxaa lala xiriiriyey gudoonka Golaha Shacabka iyo Madaxtooyada, wallow aysan ka jawaabin.

Arrimahaan soo ifbaxaya ayaa sii murjinaya xaalada kala guurka ee qaranka uu galay, waxaana ay calaamad su'aal sii gelineysaa in qaab nabdoon uu dalka uga gudbi doono mar-xaladan oo kamid ah waqtiyadda ugu adag.

Hoos ka akhriso shaxda isbedelka

Image may contain: text

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo loogu soo dhaweeyey Magaalada Nairobi

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, iyo horumarinta iskaashiga.

  • Soomaliya

    06-05-2024

  • 09:15AM

Ra'iisul Wasaare Xamse oo booqasho ku tagaya waddanka Kenya

Socdaalkan ayaa imaanaya xilli uu Nairobi ka socdo shirka 3-aad ee Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga Kenya iyo Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-05-2024

  • 04:55AM