Caddeymaha sidda wax looga bedelay xeerarkii doorashada oo la shaaciyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Gudoonka Aqalka Sarre ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo bandhigay caddeymaha wax ka bedelka lagu sameyay afarta xeer doorasho ee loo qaybiyey Golaha Shacabka.

Sidda ku xusan caddeymaha oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online, illaa 27 Qodob ayaa wax ka bedel lagu sameeyay xeerkii doorashooyinka Guddiga wadajirka Labada Aqal ee waddanka ay soo diyaariyeen.

Aqalka Hoose ayaa todobaadkii hore bilaabay in uu ka doodo xeerarkaan, oo laba kamid ah la ansixiyey, labada kalena ay doodi ka socoto.

Qaar kamid ah qodobada ugu miisaanka culus ee wax ka bedelka lagu sameeyay ayaa kala ah; in la laalay doorkii Aqalka Sarre ee xeerkan – meelmarin iyo ka doodisba iyo in kuraasta qaarkood loo raray degaano kale.

Afhayeenka Senate-ka, Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo si adag uga digay in ay sidda haatan wax ku socdaan lagu meelmariyo, ayaa guddiga doorashooyinka madaxa-banaan ku waaniyey in aysan ku shaqeyn go'aanada soo baxa.

Cabdi Xaashi oo war-saxaafadeed soo saarey ayaanan si gaar ah u carabaabin cidda ka dambeysa arrintaan, hase ahaatee, waxaa lala xiriiriyey gudoonka Golaha Shacabka iyo Madaxtooyada, wallow aysan ka jawaabin.

Arrimahaan soo ifbaxaya ayaa sii murjinaya xaalada kala guurka ee qaranka uu galay, waxaana ay calaamad su'aal sii gelineysaa in qaab nabdoon uu dalka uga gudbi doono mar-xaladan oo kamid ah waqtiyadda ugu adag.

Hoos ka akhriso shaxda isbedelka

Image may contain: text

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo Taangiyo Dagaal Keenay Soomaaliya

Ilo-wareedyo xog-ogaal u ah arrintan ayaa sheegaya in taangiyadan la geyn doono aagga degmada Warshiikh.

  • Soomaliya

    14-02-2026

  • 02:32PM

Khilaafka Goobta iyo Ajandaha oo hakad geliyay Kulanka Xasan Sheekh iyo Gollaha Mustaqbalka 

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku wajahan magaalada Addis Ababa si uu uga qeyb galo shir madaxeedka Midowga Afrika.

  • Soomaliya

    12-02-2026

  • 09:42AM