Cadeymaha muujinaya in riyadii Farmaajo ee kororsiga wali nooshahay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Go'aanadii qabyadda ahaa ee shirkii ay Puntland iyo Jubaland qaadaceen ee DhuusamareebIII waxaa ku jiray caddeymaha in wali Villa Soomaaliya ay rabto dheereysi, sidda uu shaaciyey siyaasi.

Cabdirashiid Xidig, mudane ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka waqtiga kasii dhamaanayo ee federaalka Soomaaliya oo wax aan la aqbali karin ku qeexay kororsi, ayaa adkeeyay in coddeynta xilligeeda lagu qabto.

Xidig oo kamid ahaa murashaxiintii doorashadii uu kusoo baxay madaxweyne Axmed Maxamed Islaam, ayaa hoosta ka xariiqay in madaxda dowlada iyo maamulada ay tahay in ay ka heshiiyaan nooca iyo waqtiga.

"Waagii milatariga intuu meesha la wareegayo yiraahdo hogaanka waan ka saarney meesha, waagii nin intuu meesha la wareegayo yiraahdo waan iska joogayaa waa laga gudbay," ayuu u sheegay Somali Cable Tv.

Heshiiskii Dhuusamareeb3 ayaa xeerinayey in doorashada soo aadan lagu galayo degaan doorasho ay kursigii u coddeynayaan 301 ergo isla markaana uu maamulayo guddiga doorashooyinka madaxa-banaan.

Hase ahaatee, dhinacyada naqdiyey ayaa ku qeexay mid loogu gogol-xaarayo is-qabqabsi keena in waqtigu dhamaado maadaama xukuumadii fulin lahayd aysan jirin guddiga uusan awood u ahayn in uu maamulo.

Guddiga ayaa awood u leh in uu isku-dabarido doorasho qof iyo cod, halka doorashadaan ay tahay mid dadban oo la balaariyey.

"Meelo waxaa jira luuq-luuqyo dadka qaarkii ay rabaan in ay muddo kororsi ku keenaan oo aaney hadda rabin in ay dhahaan. Tusaale ahaan, xisbiyaa lagu gelayaa; Soomaaliya xisbiyo kama dhisna, xaqiiqdaa la rabaa, waxaa jira isku day xisbiyo in ay sameysmaan, laakiin in xisbiyaddaas la dhameystiro mudo ayay u baahan tahay," ayuu ku nuux-nuux saday siyaasi Xidig.

Baarlamaanka haatan jooga wuxuu waqtigiisa ku eg-yahay November, 2020, halka madaxweynaha uu ka dhacayo Febraayo 2021.

"Waxyaabaha kale ee shuruudaha ah ee laga yaabo in ay ku jireen [heshiiskii] Dhuusamareeb3 dhamaantooda waxay bixinayaa signal ah muddo dheereysi, marka waxaa la rabaa in signaladaas in lasoo gaabiyo oo la yiraahdo maya, oo signaladaas meesha laga saaro; siiqada siday u qoran tahay wax laga bedelo la yiraahdo dariiqaas hala maro, doorashana la aado," ayuu ku daray.

Wadahadalo lagu waddo in ay ka bilowdaan magaala madaxda Muqdisho uga furmo madaxda dowladda federaalka ah iyo maamulada ayaa la rajeynayaan in heshiis mideysan ay kaga gaaraan coddeynta, iyaddoo rajaddu fiican tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM