Caleema saarka madaxweyne Axmed Madoobe oo dib loo dhigay

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Caleema saarka madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, oo la filayo in ay qabsoonto 26-ka September, ayaa dib loo dhigay, sidda loo dusiyey warsidaha Garowe Online.

Illo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in  go'aankan lagu gaarey shir ay yeesheen madaxda maamul goboleedkaas fadhigiisu yahay magaaladda Kismaayo.

Tani ayaa waxay kusoo aadeysaa markii dowladda federaalka ee Muqdisho ay joojisay duulimaadyadii magaaladda dekadda leh muddo 3-maalin ah.

Talaabadaas ayaa waxaa lagu macneeyay isku day xukuumadda uga hor-istaageyso siyaasiyiinta iyo hogaamiyeyaasha ka qeybgalka xafladda.

Axmed Madoobe ayaa waxa uu cambaareeyay mamnuucitaanka, isaga oo dowladda ku eedeeyay in ay ku xadgudubtay dastuurka qabyadda ah.

"Go'doominta waa mid lagu xayirayo dhaqdhaqaaqa muwaadiniinta," ayaa laga soo xigtay madaxweynaha maamulka fadhigiisu yahay Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa dib loogu doortay hogaanka Jubbaland kadib doorasho 22-kii August ka qabsoontay Kismaayo, isaga oo ku badiyey wareega koowaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM