Cali Dhaanto oo Beeniyay in lagu sumeeyay Kismaayo [Dhageyso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Fannaanka Caanka ku ah Dhaantada islamarkaana muddooyinkii dambe safar ku marayay gobollada dalka Soomaaliya, Cali Bashiir Cabdi (Cali Dhaanto) ayaa beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada gaar ahaan Facebook, kuwaasoo sheegayay in lagu sumeeyay magaalada Kismaayo ee xarunta maamul goboleedka Jubbaland.

Warkan ayaa lagu soo beegay xilli maanta uu safar kasoo ahaa magaalada Kismaayo islamarkaana uu kusii jeeday caasimadda dalka ee Muqdisho.

Qoraalka la faafiyay ayaa lagu yiri in Cali Dhaanto ku sumoobay Martiqaad loogu sameeyay aqalka Martida Jubbaland.

Balse Fannaankan ayaa markii uu kasoo dagay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, wuxuu muuqaal toos ah kasoo galay barta uu ku leeyahay Facebook, isagoo beeniyay warkaas islamarkaana ku tilmaamay shakhsiyaadka fidiyay inay yihiin kuwo ka xun hormarka dalka xaasidna ku ah noloshiisa.

Cali Dhaanto, ayaa sidoo kale tilmaamay inuu caafimaad qabo islamarkaana saaka isagoo nabdoon kasoo safray Kismaayo, hadana uu joogo Muqdisho xaaladiisa Caafimaadna ay tahay mid aad u wanaagsan.

"Saaka anigoo nabdoon ayaan kasoo safray Kismaayo, intii aan hawada kusoo jirnay ayaa balaayadan la walaaqay, markii aan soo dagnay ayaan ka war helnay umaddii oo laga nixiyay iyo dad nasoo wacaya oo leh war xaaladaada ka waran," sidaas waxaa Muqaalkiisa tooska ah ku sheegay Cali Dhaanto oo intaas ku daray, "Waxaan leeyahay wararka been abuurka ah oo umadda loo sheegayo ha la joojiyo, inaad cid ku waxyeelaysaan maahane faa'iido ka heli maysan, aniga ayaa is taa taabtay, maxaad moodaa cid kale."

Fannaanka ayaa sidoo kale sheegay in dhacdadan aysan ahayn markii ugu horaysay ee laga faafiyo warar been ah iyo in la dilay.

Inta badan wararka noocaan ah ayaa sannadihii ugu dambeeyay ku badnaan gudaha baraha ay ku kulanto Bulshada, taasoo aan ilaa hadda la aqoon ajandayaasha laga leeyahay iyo faa'iidada laga dhaxli karo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM