Cali Khaliif Galeyr oo la shaaciyey in uu u dhintay safmarka Covid-19

Image

JIGJIGA, Soomaali Galbeed - Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida ee ka tirsan dowladda federaalka Itoobiya ayaa shaacisay in Cali Khaliif Galeyr uu u geeriyooday safmarka Coronavirus.

Mukhtaar Yuusuf, wasiir ku xigeenka caafimaadka gobolka oo war-fidiyeenka u waramay, ayaa laga soo xigtay in uu xaqiijiyey in Borofeesarka uu ku biiray liiska shaqsiyaadka uu galaaftay cudurka.

Ra'iisul wasaarihii 8aad ee Soomaaliya ayaa maanta ku geeriyooday magaala madaxda ismaamulka ee Jigjiga kadib markii xanuun kusoo boodey isbitaal loo dhigay Jimcadii todobaadkii lasoo dhaafay.

Sidda laga soo xigtay Mukhtaar, shaacinta ah in marxuum Galeyr uu u dhintay fayruska ayaa ku saleysan "baaritaan deg-deg balse saacaado badan qaatay oo lagu sameeyay meydkiisa".

Cadaani Hirmooge, afhayeenka jabhadda ONLF oo u waramay VOA-da, ayaa wariyey in Galeyr uu ka cabanaayey cunto uu qaatay Jimcadii isla markaana uu shubmay, matagay, qandho badan ay haysay.

"Odayga [Cali Khaliif Galayr] cunto ayuu qoonsaday baa la yiri; wuu shubmay, wuu matagay, wuu qandhaday. Jimcadii bay bilaabatay howshaasi. 40 daqiiqo kahor inta uusan dhiman baan ka tagay markii aan soo laabteyna waxaa lii sheegay in qofka ambalaasta lagu sii wado in uu isaga yahay," ayuu yiri.

Dowladda federaalka Soomaaliya oo magacowday guddi ka kooban 13 xubnood ayaa ka dhawaajisay in ay u sameyneyso Aas Qaran isla markaana lagu guudi doono magaala madaxda dalka Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM