​Cali Khaliif Gallayr oo lagu xannibay Buuhoodle

Image

BUUHOODLE, Somalia- Diyaarad saaka ka qaadi lahayd magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn Madaxweynaha maamulka Khaatumo ayaa is-hortaag lagu sameeyay iyadoo halkaas lagu xanibay ilaa galinkii dambe ee maanta.

Wararka uu helayo Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in Cali Khaliif laga baajiyay safar uu ku tagi lahaa dalka Jabuuti oo la filayo inay ka dhacaan wada hadallo u dhaxeeya Khaatumo iyo Somaliland.

Mudane Gallayr waxaa safarkaas ka baajiyay ciidamo taabacsan nin sheegtay taliyaha ciidanka Difaaca Buuhoodle oo lagu magacaabo Cabdifataax Baydan.

Wararku waxay intaas ku darayaan in diyaaradii la fasaxa galabta balse uu baaqday mudane Gallayr oo hadda ku sugan magaalada Buuhoodle ee gobolka Cayn.

Ujeedka loo baajiyay ayaa goob joogayaal u sheegeen GO inay ku salaysanyahay arrimaha Somaliland iyo Khaatumo iyadoo Cali Khaliif lagu eedeeyay inuu majo xaabinayo masiirka dadka deegaanadaas oo xusay inaysan raali ka ahayn arrimaha uu wado.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Cali Khaliif oo muddooyinkii dambe wadahadallo khilaaf dhaliyay kula jiray maamulka Somaliland.

Sannadkii hore kulan ay isugu yimaadeen waxgaradka gobolladaas daga, waxay ganafka ku dhufteen arrimaha u dhaxeeya labada dhinac.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM