Doorashada Soomaaliya oo wajaheysa caqabad dhaqaale

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Doorashooyinka dadban ee soo aadan ee Soomaaliya ayaan wali helin wax maalgelin ah dibada ah, sidda ay illo wareedyo xog-ogaal ah u xaqiijiyeen warsidaha Garowe Online.

Sida ay muujinayaan warbixinadda, saaxiibadda caalamka ee Soomaaliya ayaa si cad ugu sheegay madaxda Soomaalida in ay ku talagaleen miisaaniyada doorasho toos ah oo dadweynuhu ay caddeeyaan.

"Sidaas darteeda ma hayno qoondo aan ku taageerno doorasho toos ah oo ka qabsoonta Soomaaliya," ayay  diblumaasiyinta ugu sheegeen madaxda Soomaalida mid kamid ah kulamadii u dambeeyay.

Mid kamid ah shirarkaas ayaa, sida ay xoguhu caddeynayaan, waxaa la isla meeldhigay cadadka lacagta ku baxeysa coddeynta, hase ahaatee, wali madaxda Soomaalida ma gaarin kaalmadaas mana kasoo bixin dhanka dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya.

Saddex illo wareed kale oo ku dhow xerada Xalane oo ah fariisinka ugu weyn ee wakiilada Beesha Caalamka ayaa u dusiyey GO in diblumaasiyiinta ay ka fekerayaan talaabooyinka ay qaadayaan.

Beesha Caalamka ayaa dedaal badan waxay ku bixisay sidii doorasho deg-deg ah uga qabsoomi lahayd Soomaaliya, ayaga oo si weyn u taageeray dedaalada ay miiska wadahadalada isugu yimaadeen hogaanka dowlad goboleedyada iyo ra’iisul wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Sikastaba ha ahaatee, lacag la’aanta soo wajahay geedi-socodka doorashada ayaa laga yaabaa inay saameyn ku yeelato qabsoomida coddeynta la filayo isla markaana ay hor istaagto horumarkii ugu dambeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM