Caqabadaha DF ka hortaagan in ay dib u soo celiso Somali Airlines

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa juhdi badan gelineysa sidii dib loogu howlgelin lahaa Somali Airlines, balse waxaa jira caqabado ka hortaagan, sidda uu ka dhawaajiyey Wasiirka Duulista Hawada.

Xukuumadda ayaa rajo ka qabtay in diyaaradda ay hawada kusoo laabato 2018-19, hase ahaatee, waxay dib ugu dhacday sanadka kale, 2020-ka.

Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar, wasiirka duulista hawada xukuumadda federaalka, ayaa caqabadaha ku geedaaman soo celinta Shirkada Duulimaadka Soomaaliya ku sheegay dhaqaale iyo barnaamijka deynta cafinta.

Sidda ay sheegeen Hay'adda Lacagta Dunida iyo Bangiga Aduunka, Soomaaliya ayaa waxaa lagu leeyahay ku dhowaad Shan bilyan oo doollar.

Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa shaaca ka qaadey in sanadka soo aadan bartamihiisa dalka laga cafin doono deynta lagu leeyahay.

"Runtii ma fududa in aad soo celiso diyaarad xilliga aan anaga ku jirno marka loo fiiriyo oo ah xiliga aan deyn cafiska ka shaqeynayno," ayuu u sheegay Telefishinka Qaranka.

Wuxuu ku daray: "Deyn cafiska markaa ka shaqeyneyso dakhliga kusoo gala, meesha uu ku baxayo waa meelo leysla og-yahay, deyn cusub-na ma geli kareysid".

Oomaar oo kalsooni fiican ka muujiyey in diyaaradda ay gacanta dowladda kusoo noqoto 2020-ka ayaa sheegay in ay door ka siinayaan ganacsatadda iyo cid kasta oo kaalin ka cayaari karta.

Somali Airlines oo la aas-aasey 5-tii March,1964-tii, ayaa sameyn jirtay duulimaadyo isugu jira maxali, heer gobol iyo caalami. Kadib dagaalkii sokeeye ee 1991-dii, waxay kamid noqotay hay'addihii burburay.

Xukuumadihii dalka soo maray kadib dagaalka sokeeye ayaa dedaal badan ku bixiyey sidii loosoo celin lahaa, iyaddoo mid walba wada-hadaladda dib u howlgelinta ay meel wanaagsan gaarsiisey.

Gabagabadii, Oomaar oo adkeystay in xarumaha shirkadda dayactir lagu bilaabayo waqtiga ay soo celiyaan diyaaradda ayaa xusay in ay diyaariyeen shuruucdii ay ku shaqeyn lahayd ayna gudbinayaan cidda ay khuqeyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM