Caqabado ku hor-gudban in wasiirada cusub ee KG la horgeeyo Baarlamaanka

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Horaantii bishaan ayey ahayd markii uu madaxwayne Cabdicasiis Lafta Gareen uu magacaabay Golle wasiiro cusub, kuwaasi oo illaa iyo haatan aanan loo qaadin codka kalsoonida, lana horgeynin gollaha Baarlamaanka.

Wasiirada cusub oo qaarkood ay iska diideen xulashada Lafta Gareen ayna is-casileen ayaa u badan dhalinyaro iyada oo ay yar tahay tirada jagagooyinkooda difaacatay ama dib u hantiyay.

Xubnaha xilalka loo xushay gaashaanka u daruuray ayaa ku doodaya in beelaha ay kasoo jeedaan u qalmin, halka kuwa kalena ay tilmaamayaan inaanu laga tallo gelin xilka loo dhiibay, sidaasi darteedu aanu rabin.

Sikastaba ha ahaatee, Madaxwayne Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa aad ugu mashquulsan qancinta beelaha ka goos-adeegaya wasaaradaha uu siiyay iyo buuxinta xilalka ay faarujiyeen wasiirada.

Warar xog ogaal ah ayaa ku waramaya in beelaha ay codsanayaan in laga bedalo wasaaradaha loo magacaabay, taasi oo ay shaaciyeen in ay tahay sida kaliya oo ay ku ogolaan karaan, hadii kale ay qaadacayaan.

Xildhibaano ka tirsan gollaha wakiilada Koonfur Galbeed ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in caqabada taagan ee loo horkeeni la’yahay wasiirada cusub si ay u ansixiyaan ay arrimahaan yihiin.

"Hadii aan xal la gaarin waa suurtagal in Madaxwaynuhu mar kale dib ugu laabto xukuumada oo uu isbedal ku sameeyo, dibna usoo dhiso mar kale," ayey yiraahdeen mudanayaal si yaabo kala duwan ula hadlay mareega GO.

13-kii bishaan Febraayo ayay ahayd markii uu Lafta Gareen dhameystiray gollihiisa xukuumada, taasi oo ka kooban 48 mudane, oo kala ah; 23 wasiiro iyo 25 wasiiro ku xigeeno, iyada aanu jirin wasiiro dowlayaal.

Lafta Gareen oo xulufo dhow la ah Villa Somalia oo ku taageertay guusha uu ka gaarey doorashadiisa bishii December ayaa maamulkiisa waxa uu wajahayaa caqabado ay ku jiraan; amniga, siyaasada iyo hanaanka awood qaybsiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM