Carbis milatari oo lagu sameeyay meel u dhow badda Soomaaliya

Image
Image
Image

MUQDIHSO, Soomaaliya - Japan iyo Britain ayaa dhoolatus milatari oo ka dhan ah burcad badeeda ku qabtay Gacanka Cadmeed meel u dhow Soomaaliya, sida maanta uu shaaciyey Nobuo Kishi, oo ah wasiirka Difaaca waddanka Japan.

"Dhoolatuskan, oo la qabtay Axaddii iyo Isniinta, ayaa waxaa qeyb ka ahaa markabka nooca diyaaradaha qaadda ee ciidanka difaaca Japan ee Setogiri, diyaaradaha ilaalada ee P-3C iyo tirro diyaaradaha wax duqeeya ee Ingiriiska kuwaasoo loo yaqaano Queen Elizabeth, si lamid ah markabka dagaal ee ugu weyn Royal Navy," ayuu raaciyey Kishi.

Maraakiibta ciidamada badda ee Mareykanka iyo Holland oo la socday kooxda Ingiriiska ayaa sidoo kale ka qeyb qaatay dhoolatuskan, sida uu sheegay wasiirka difaaca. Waa markii ugu horreysay ee markabka dagaalka Japan uu la qabato carbis wadajir ah dhigiisa Queen Elizabeth.

"Annaga iyo Britain, Mareykanka iyo Netherlands, waxaan soo bandhignay rabitaankeena iyo kartideena si aan u hubino badqabka isu-socodka badda oo ah aasaaska barwaaqada adduunka," ayuu Kishi ku yir shir jaraa'id.

Wasiirka ayaa hadalkiisa wuxuu intaas kusii daray: "Waan sii wadi doonaa in aan dhoolatusyadda wadajirka ah la qaadano [saaxiibadeena caalamiga ah] waliba si istiraatiiji ah".

Kooxda Japan ayaa bishii May waxay qeyb ka ahaayeen dhoolatus kale oo lagu qabtey London halkaasoo ay kusoo bandhigeen carbis looga dan lahaa xakameynta saameynta Beijing ee badaha Bariga iyo Koonfurta Shiinaha.

Intii lagu gudajiray carbiska wadajirka ah ee la dagaalanka burcadbadeeda, dhinacyaddii ka qeybqaadanayay waxay ku howlanaayeen buuxinta badda iyo sawirada maraakiibta, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhiga Japan.

Japan oo kamid ah dowladaha qeybta ka ah la dagaalanka burcad-badeeda Soomaalida ayaa howlgalkaas waxay ku leedahay diyaarado qumaatiga u kaca, maraakiib dagaal iyo markab gaar ah oo ay ka duulaan diyaaradaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM