Carruur Cudurka Jadeecada ugu Geeriyootay gobolka Shabeellaha Dhexe

Image

JOWHAR, Somalia - Carruur da’dooda aad u yar tahay oo uu soo ritay Cudurka jadeecada  ayaa ugu geeriyootay cudurkaasi deegaan ka mid ah gobolka Shabelaha Dhexe.

Deegaanka Maandheere ayaa ka mid ah goobaha uu ka dillaacay cudurka oo ay Carruurta ugu dhinteen, kuwa kale oo aad u badana la jiifaan, sida uu sheegay Gudoomiyaha Tuulada Saalax Maxamed Cali.

Carruurta cudurkan u geeriyootay ayuu sheegay Gudoomiyaha inay da’adoodu ka yar tahay shan sano, kuwaasi saddexdii maalmood ay la il-darnaayeen Xanuunka Jadeecadda, oo ka dillaafacy deegaankaasi.

Wuxuu intaasi ku daray inaysan jirin Xarumo Caafimaad, oo lagu daryeello caruurta uu soo ridanayo Cudurka, islamarkaana ay aysan awoodin inay u qaadaan Isbitaalka degmada Jowhar, sababtuna ay tahay in wadooyinka Biyo xireen.

Mas'uulkan ayaa ugu baaqay maamulka HirShabelle, dowladda federaalka iyo Hay'adaha Caalamiga inay gurmad caafimaad gaarsiiyaan Tuulada Maandheere, oo hoostagta degmada Jowhar.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM