Caruur ay Al-Shabaab "u diyaarisay is-miidaamin" oo lasoo badbaadiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan 16 Al-Shabaab ayaa lagu dilay, 40 caruur ahna waa laga soo badbaadiyey howlgal ka dhacay Koonfur Galbeed Soomaaliya, sidda ay Sabtidii shaaca ka dhigeen mas'uuliyiin ammaan.

Dhaqdhaqaaqaas liddiga ku ah xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa laga fuliyey meel ku dhow degaanka dhowaan la xoreeyay ee Bariire kaasoo qiyaastii 62 KM u jira magaala madaxda dalka Muqdisho.

Bariire oo caan ku ah beeraha ayaa ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo argagixisada ay joogitaan culus ku leedahay.

Axmed Xasan Salaad, taliye ka tirsan ciidamada howlgalka fliyey, ayaa sheegay in dhankooda uusan howlgalka kasoo gaarin wax khasaaro ah.

"Intii howlgalku socda oo ka dhacay tuulada Nuuney oo duleedka ka ah magaalada Bariire, milatariga waxaa u suurtagashay in ay soo badbaadiyaan 40 caruur oo kasoo kala jeeda qaybo kamida dalka," ayuu yiri.

Sidda ay warisay Idaacada Codka Ciidamadda, maleeyshiyaadka soo qafaashay ciidamadan waxay qorsheynayeen in ay u adeegsadaan is-miidaaminta.

Marka laga soo tago sheegashada ciidamada Soomaaliya, ma jiraan illo wareedyo madax-banaan oo xaqiijinaya dhamaan sheegashooyinkooda.

Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa muddooyinkii u dambeeyay ka socday dhaqdhaqaaqyo hubeysan oo hadafkoodu yahay in laga hortago lana burburiyo fariisimo cusub oo Al-Shabaab sameysato mar-xalada kala guurka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM