Cawad oo ka gaabsaday sababta xil ka qaadista loogu sameeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirkii arrimaha dibadda dowladda federaalka Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa ka gaabsaday in uu sharaxaad dheeraad ah ka bixiyo sababta dhabta ah ee keentay xil ka qaadista lagu sameeyay.

Isagoo u waramaya laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da, safiirkii hore ee Soomaaliya u qaabilsanaa waddanka Mareykanka oo lagu bedelay Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa biyo-qabow ku shubay wararka ku geedaaman eryidiisa.

"Sabab gaar ah oo aan hadda kuu sheegi karo ma jirto, madaxwaynaha inaan wada shaqeynay abaal badan ayaan uga hayaa iney fursadaasi i siiyeen oo umadda Soomaaliyeed aan u adeegay, saddex sano ayaan wada shaqeynaynay," ayuu yiri.

Diblumaasiga ayaa intaas ku daray: "Xilka markii horaba waxaa ii magacaabay madaxda dalka madaxwaynaha iyo raii'sul wasaaraha, markii sidii ay iigu magacaabeen xaq ayay u leeyihiin in marka ay la noqoto hadana ay iga qaadaan".

"Kuma jirto dhaqanka dowladnimada haddii xitaa wax la isku qabto in idaacadaha looga sheego, anigu waxaan kuu sheegayaa madaxwaynaha ayaanu kulanay wuu ii sheegay in uu xilka iga qaadayo la yaab ma ahayn anigana waan uga mahad-naqay wada shaqeyntii na dhexmartay marka dhib ma jiro," ayuu ka dhawaajiyey.

Cawad ayaa dhanka kale wuxuu qoraal uu Twitter-ka soo dhigay wuxuu ku diidey jago safiirnimo oo Ra'iisul Wasaare Rooble uu magacaabay.

"Madaxwaynuhu wuu ku mahadsan yahay wuu i sharfay, wuxuu i siiyay fursad kale oo aan dalka ugu adeego, dalkaaga inaad safiir ama wasiir ka noqotid waa wax wayn, anigana diyaar ayaan u ahay inaan umadeyda aan mar walba u adeego, lakiin saddex sano oo socod badan daal badan oo howl badan baan ku jirnay oo aan qoyskeyga kala maqneyn marka waxaan go'aansaday in reerkii aan intii hore uga dhawaado," ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Eryida Cawad ayaa timid saacado kadib markii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay qoraalo is-burinaya kasoo saartey colaada ka oogan waqoyga Ethiopia.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Garowe Online in madaxda dowladda federaalka ay ku qanci waayeen fahfaahin uu Cawad ka siiyey luuqad jilicsan oo ay ugu andacoodeen in uu ku qoray warqadii uu soo saarey.

Xogta ayaa intaas ku dareysa in ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, uu madaxweyne Farmaajo kala hadlay warqadda wasaaradda arrimaha dibadda taasoo kalkii dambe laga saarey ciwaanada baraha bulshada wasaarada.

Warqadaas ayaa ku baaqeysay wada-xaajood lagu soo gabagabeeyo dagaalka ciidamadda dowladda Itoobiya iyo jabhadda TPLF, kaasoo laba todobaad ka socda gobolkaas waqoyga dhaca kuna geeiryoodeen boqolaal askar u badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM