Cawad oo ka hadlay Kiiska Dool oo Weji Gabax ku keenay dowladda Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa u sheegay idaacadda VOA Somali inaan shaqada laga cayrin Cabdullaahi Dool oo ka tirsanaa shaqaalaha xafiiskiisa balse la beddelay dhowr sababood dartood.

Wasiirka ayaa sheegay inay sababahaas ka mid yihiin inuu muddo saddex bilood ah ka maqnaa shaqada oggolaansho la'aan iyo farriimo uu ku qoray twitter-ka, oo wasiirku sheegay inay weji gabax ku ridday wasaaradda.

Warsidaha Garowe Online ayaa 31-kii March soo qoray [Halkan ka akhri] in Cabdullaahi Dool uu bartiisa twitter-ka ku qoray farriin uu ku taageerayo in Soomaaliya xiriir diblomaasi la yeelato Israel, sidaasna shaqada looga eryey.

Safiirka Soomaaliya ee Geneva, Faaduma Cabdullaahi ayaa dhowaan ka aamustay qaraar golaha xuququda aadanaha ee QM uu ku cambaareeyey aqoonsiga madaxweyne Donald Trump uu dhulka Golan Heights ee Syria ugu aqoonsaday dhul Israel, taasi oo keentay in safiirka looga yeero Muqdisho.

Wasaaradda arrrimaha dibedda ee Soomaaliya, ayaa markaas kadib bayaan ku sheegtay inay mowqifkeeda rasmi ah ee buuralayda Golan Heights uu yahay in dhulkaasi ay leedahay Syria, isla markaana ay si aan sharci ahayn ku haysato dawladda Israel.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM