Cawad oo ku wajahan Sudan iyo ujeedka safarkiisa oo la ogaadey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa safar uu ku tegi doona maalmaha soo socda Sudan, gaar ahaan magaaladda caasimadda ah ee Khartuum, sida laga soo xigtay illo xog ogaal ah.

Ujeedka safarka wasiirka ayaa la fahansan yahay inuu salka ku hayo ka qaybgalka shir ay yeelanayaan Wasiiro Arrima Dibadeedyadda dalalka Jamaacadda Carabta, kaasoo dhowaan ka dhici doona halkaas.

Shirkaan oo noqonaya midkii 150-aad ee Ururkaan ay yeeshaan dalalka xubinta ka ah Wasiiradooda Arrimaha Dibada ayaa waxaa looga arrinsanayaa xaaladda Soomaaliya, iyo sidii kaalmo dhaqaalo loogu fidin lahaa.

Sida laga soo xigtay qaban-qaabiyaasha kulanka, ajandayaasha ugu muhiimsan ee kulanka lagu gorfaynayo ayaa kala ah; Amniga, doorashooyinka 2020 ee dalka, Sal dhigidda Dastuurka, Nidaamka Xisbiyada Siyaasadda, Kobaca Dhaqaalaha iyo dib u qaabeynta Ciidamada Soomaalida.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qodobadda shirka laysla soo qaadi doono ay qayb ka noqoneyso codsi ay gudbisay dowladda Soomaaliya oo ah inay la wareegto Shir gudoonka Gollaha iyo sanadka 2019-ka shir Jamaacadda Carabta lagu qabto magaalo madaxda dalka ee Muqdisho.

Soomaaliya oo kamid ahayd aas-aasayaasha Urur Jamaacadda Carabta, Woqoyga Afrika iyo kuwa kale oo Carbeed ayaa dalkeena waxaa lagu sheegaa inuu yahay midka kaliya ee Afrikaan rasmi ah, kaasoo Urur goboleedkaan xubin buuxda ka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM