Cawad oo kusoo baxay doorasho Musharixii la tartamay aan cod helin

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Mahad Cabdalla Cawad ayaa dib loogu doortey kursigii uu ku fadiyay afartii sano ee lasoo dhaafay, kaasoo sumadiisu tahay Hope104, kaasoo sanadkan loo wareejiyay degaan doorashadiisa Galmudug.

Doorashadda oo ay codeeyeen 101 ergo, ayaa waxuu helay Cawad 84 cod, iyadoo Gabar la tartantay oo Shukri Cali Faarax aan helin wax cod ah, sida gudiga doorashadda uu dhaaciyay.

Gudiga wuxuu sheegay in 17 cod ay hallaabeen, inta kalena ay ugu shubeen Mahad Cabdalla Cawad, kaasoo ahaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku-xigeenka 2aad ee Afhayeenka Gollaha Shacabka.

Wuxuu Cawad ku guuleysay kursi kamid ah shanta Kursi ee uu dhawaan Qoor-Qoor ku dhawaaqay inuu doorashadooda qabanayo, waxaana ku sugan Dhuusamareen Yaasiin Fareey, ku simaha agaasimaha NISA oo u tartamaya kursiga hope-67.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo Mar Kale Xaqiijiyay Taageerada Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya

Wasiirradu waxay sidoo kale muujiyeen taageeradooda hay’adaha sharciyeysan ee dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 08:05AM

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Uganda oo ku dilay 30 Al-Shabaab Koonfurta Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan 16 sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-01-2026

  • 05:21PM