Cawad oo muddeeyay bixinta biladda loogu magacdaray Hodan Naaleeye

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Abaalmarinta loogu magacdaray Hodan Naaleeye waxaa ku guuleystaha lagu dhawaaqi doonaa 21-ka November, 2020, sidda uu shaaca ka dhigay Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Isaga oo habeenimadii Isniinta ka hadlayey munaasabad ka dhacdey Muqdisho, madaxa diblumaasiyada Soomaaliya ayaa ammaanay marxuumada.

"Hooyada jidka wax ku iibineysa ayay u tagi jirtay oo ay la sheekeysan jirtay, qurux ayay ka arki jirtay. Ciyaalka banooniga ku dheelaya xeebta ee caga cadaanka ayay la kulmi jirtay, qurux ayay ka arki jirtay," ayuu yiri.

Wasiirka ayaa hadalkiisa wuxuu intaas ku daray: "Waxay tagi jirtay magaalo kasta oo kamid ah Soomaaliya, qurux ayay ka arki jirtay. Waxay dunida u gudbin jirtay wejiga wanaagsan ee Soomaaliya".

Cawad ayaa ku daray: "Waa run in ay wanaagsanaan lahayd in aan u garano iyaddoo nool, balse fekradda ayaa haatan nagu soo dhacdey".

Inkasta oo uusan magac ka dhawaajin, wasiir Cawad oo qish kasii bixiyey guuleystaha ayaa ka shanqariyey in ay tahay haweenay caan ah.

Iyaddoo la filayo in munaasabada shaacinta ay kasoo muuqan doonan marti kala duwan, Cawad ayaa sababta ay u bilaabayaan bixinta biladan ku qeexay in aan la hilmaamay dhaxalkii Hodan laguna dhiirageliyey dadka lamid ah.

Bishii July, 2019-kii ayay ahayd markii wasiir Cawad uu ku dhawaaqay abaalmarintaas oo uu carabka ku dhuftay in ay sanadle noqon doonto.

Hodan, oo ahayd wariye sheekooyinka fiican ee Soomaaliya la wadaaga caalamka iyo aas-aasaha telefishinka arrimaha bulshadda xooga saara ee Integration Tv, ayaa ku jirtay dadka ku dhintay ismiidaamin ka dhacday Kismaayo.

Weerarkaas ay Al-Shabaab ku ekeysay Hutel Cascase ayaa waxaa lagu dilay in ka badan 20 ruux oo ay kamid yihiin Hodan iyo seygeeda. Soomaali haysata jinsiyadaha wadamo kale oo reer Galbeed ayaa sidoo kale kamid ahaa.

Falkaas oo kusoo aaday iyaddoo Jubaland ay isu diyaarineyso doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxtinimadda ayaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabo qarxa isla markaana lagu dhuftay albaabka laga galo huteelka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM

Immisa qof ayaa la xaqiijiyay inay saameysay xogta la jabsaday ee E-VISA?

Warbixin qarsoodi ah ayaa shaaca ka qaaday in nidaamka lacag-bixinta ee fiisaha lagu bixiyay Online-ka ka jira musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 08:00AM