Cawad oo xaqiijiyey socdaalka wafdi ka socda Masar oo DF "qarisay"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa xaqiijiyey in wafdi ka socday Masar ay Axadii lasoo dhaafay ka dageen magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Dowlada Federaalka ayaanan soo bandhigin safarka wafdigaas heerka sarre ah oo uu hogaaminayey Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda waddankaas Carbeed, Abuubakar Al-xifni.

Cawad oo wareysi siiyey Warbaahinta Daljir ayaa qiray in ujeedka booqashadda wafdigaas uu daaranaa khilaafka Masar iyo Itoobiya ee ku aadan biyo-xireenka lagu muransan yahay ee Webiga Niil.

"Haa," ayuu ku jawaabay markii la waydiiyey xaqiiqada booqashada. "Dalalka aduunka ayay ku wareegayeen, waxay macneynayeen mowqifkooda ku aadan Webiga Niil, khilaafka iyaga iyo Itoobiya u dhaxeeya".

Al-xifni iyo wafdigiisa ayaa si gaar ah ula kulmay madaxweyne Farmaajo oo ay ka codsadeen in Soomaaliya ay garab-istaag u muujiso Masar.

Socdaalkaas ayaa yimid maalmo kadib markii ururka Jaamacadda Carabta uu u coddeeyay qaraar lagu taageerayo Masar laguna cambaareynayo Itoobiya. Talaabadaas waxaa ka caroortay Addis Ababa.

Warar soo baxay ayaa sheegay in  Muqdisho ay taageertay qaraarkaas, balse wasiir Cawad oo meesha ka saarey warbixinadaas wuxuu hoosta ka xariiqay in ay ka qaateen go'aan dhexdhexaad ah.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo tibaaxay in "la qariyey" socdaalka wafdiga Masar, ayaa rumeysan in dowladda ay taageerada ka noqotay kadib cadaadis kaga yimid Itoobiya.

Ra'iisul wasaare Khayre oo kadib u socdaalay Itoobiya ayaa dhigiisa Abiy Axmed "ku wareejiyey fariin uu ka sidday madaxweyne Farmaajo taasoo ahayd in Soomaaliya ay dhex ka tahay xiisaddaas".

Villa Soomaaliya ayaa saaxiib dhow la ah maamulka Abiy Axmed ee haatan ka taliya Itoobiya, kaasoo lagu eedeeyay in uu qeyb ka yahay faragelinta ciidan ee dowlada Soomaaliya ku hayso maamuladda wadanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM