Cawad oo sheegay in Kursigiisa usoo wareejistay Galmudug

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Gollaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad, ayaa sheegay in kursigiisa uu kasoo wareejistay Puntland, islamarkaana uu doorashadda kusoo galayo sanadkan Galmudug.

Cawad oo ka hadlay kulan Madaxweyne Deni kula yeeshay Muqdisho Xildhibaanada laga soo doorto Puntland ayaa sheegay inaysan ansixin doonin heshiiskii doorashadda, kaasoo Villa Soomaaliya ku saxiixdeen Farmaajo iyo Madaxda Maamullada 17-kii bishan.

"Aniga Kursigeyga Galmudug ayuu transet kusoo yahay Saaxiibada kale ee Puntland isku soo dooranayo hakaa Nabad galaan Madaxweyne,doorasho ayaa loo socdaa Amaan ha la idinka helo,hadii kale heshiiska ma ansixineyno”ayuu yiri Cawad.
 
Gudoomiye ku-xigeenka Gollaha Shacabka ayaa kaftan siyaasadeediisa sidoo kale ugu baaqey Deni inuu kala hadlo Qoor Qoor si aan loogu carqaladeynin dib usoo doorashadiisa kursifa uu ku fadhiyo.
 
Xildhibaanada uu mudo-xileedkooda sii dhamaanayo oo uu Mahad Cabdalla Cawad kamid yahay ayaa walaaca ka qabaan in aysan kusoo laaban doonin kuraasta, maadaama ay qaarkood xiriir wanaagsan uusan kala dhaxeyn madaxda dowlad Goboleedyada.
 
Cabsida Xildhibaanada ayaa sii xoogeysatay kadib markii heshiiska doorashadda lagu soo daray qodob ah in gudi doorasho oo isku dhaf ah uu maamuli doono doorashadda, iyadoo ay Madaxda Maamullada saameyn ku yeelan doonaan.
 
GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM