CC Shakuur oo laga joojiyay Xaflad iyo eedeymo uu u jeediyay Farmaajo

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Somalia - Hogaamiyaha Xisbiga "Wadajir Party" Cabdiaraxmaan Cabdishakuur ayaa eedeymo u jeediyay Madaxweyne Farmaajo, kadib markii maanta booliska dowladda kahor istaageen inuu xaflad ku qabsado Makka Al-Mukarama hotel.

Kadib is-hortaagga, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Shir Jaraa'id oo uu ku qabtey Wadada Makka Al-Mukarama, ayaa sheegay in amar ka soo baxay xafiiska Farmaajo lagu xiray Hotel-ka, oo maalmahan uu ka socday tababar xisbigiisa soo qaban-qaabiyay.

Siyaasigan oo aad u dhaliila dowladda Federaalka, ayaa ku tilmaamay in booliska loogu talo-galay ilaalinta nabad-gelyada iyo inay dhowraan sharciga uu noqday ciidan dano shaqsi loo adeegsado, ilamarkaana lagu caburiyo mucaaradka.

Xukuumadda Somalia wali kama aysan jawaabin eedeynta CC Shakuur.

Tallaabadan Cabdiraxmaan Cabdishakuur looga hor-istaagey Xafladda uu ku qabsan lahaa Hotel-ka ayaa kusoo beegmaysa xilli maalmo kahor Caasimadda uu Xisbiga UPD ku qabsaday Kulan ballaaran, oo Madaxweynihii hore ee Somalia, Xasan Sheekh eedeymo ugu jeediyay dowladda haatan jirta. [Halkan ka akhri Warka].

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Musharixiintii tartanka la galay Madaxweyne Farmaajo doorashadii 2017 islamarkaana horey dowladda u xirtay ayaa markii uu dhawaan dib ugu soo laabtey Muqdisho billaabey dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed, oo Villa Somalia u aragtay inay halis ku yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM