DF oo booliska Malaysia u adeegsatay joojinta xaflada CC Shakuur

Image

KUALA LUMPUR, Malaysia – Booliska Malaysia ayaa siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame u diidey in uu la hadlo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.

Talaabadan ayaa ka dambeysay markii Safaaradda Soomaaliya ee qarankaas dhaca koonfur-bari ee Asia ay warqad u dirtay bileyska.

Sidda ku xusan qoraal uu arkay Garowe Online, safaarada ayaa sheegtay in hogaamiyaha xisbiga Wadajir uu ku socdo baaritaan ku saabsan "fal dambiyeed" aysan fahfaahin.

Sidoo kale, safaaradda ayaa cuskatay fatwo ka dhan ah Warsame oo la iclaamiyey markii lagu eedeeyay in uu "si qaldan" u turjumay Diinta Islaamka, wallow uu beeniyey.

Illo lagu wareedyo ayaa sheegay in bileyska ay soo galeen xafladda oo socotay kuna amreen in la joojiyo. Xogta waxay sheegeysaa in Warsame uu xiligaas soo afjaray hadalka.

Villa Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay talaabooyinka liddiga ku ah siyaasiyiinta mucaaradka, waxaana falalkaas lagu qeexay caburin iyo xadgudub ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Bishii December, 2017, Warsame ayaa la xiray markii laamaha ammaanka Soomaaliya ay xili habeen ah howlgal ku beegsadeen guriga siyaasiga ee magaaladda Muqdisho.

Howlgalkaas ayaa wuxuu sababay dhaawac fudud oo soo gaarey Warsame iyo geerida shan kamid ah ilaaladiisa. Murashaxa madaxweyne ayaa la xiray isagoo dhaawacan.

Xeer-ilaalinta oo ku eedeysay "khiyaano qaran" ayaa ku fashilantay caddeymaha. Kadib arrintaas, maxkamadda gobolka Banaadir waxay damaad kusii deysay siyaasi Warsame.

Qoraalka booliska Malaysia

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM