CC Shakuur oo weerar afka ah ku qaadey Fahad Yaasiin: Wiil sida Godane isku qariya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka hadlay dhaqamada Taliyaha NISA, Fahad Yaasiin oo uu ku tilmaamay inuu yahay shaqsi isku qariya Axmed Godane, hogaamiyihii Al-Shabaab ee la dilay.

"Baarlamaankee? kan la leeyahay hal daqiiqo hadal, taleefanka demi, warbaahinta celi, ha waydiin hal su’aal ka badan, aamus ee fariiso, Waxaas oo idil na waxa loo yeelayaa wiil sidii Axmad Godane is qarinaya dartii," ayuu ku yiri qoraalkiisa Facebook.

Hadalka CC Shakuur ayaa yimid kadib markii maanta saxaafadda banaanka looga soo saarey Xarunta Gollaha Shacabka oo uu hortagey markii ugu horeysay Fahad Yaasiin, taliya NISA oo wata ciidan gaar ah oo kahor tagaya in sawir ama muuqaal laga duubo.

Xildhibaanada ayaa su'allo koo-kooban oo lasoo xulay waydiiyay Fahad Yaasiin, waxaana laga dhigay kulankii maanta mid albaabada u xiran oo shacabka lala wadaagin jawaabaha ay bixinayeen Wasiiradda iyo Taliyeyaasha ciidaanka ee ku saabsan amniga dalka.

Fahad Yaasiin oo horey usoo noqday wariye katirsan Al-Jazeera Arabic, islarmarkaana xiriir dhaw la leh dowladda Qatar ayaa lagu tirayaa inuu yahay gacanta midig ee Madaxweyne Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM