CC Shakuur oo Weerar afka ku qaaday Sirdoonka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Siyaasiga mucaaradka ku ah maamulka Farmaajo, Cabdiraxmaan Cabdishkuur Warsame, ayaa weerar dhanka afka ah ku qaadey Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Soomaaliya [NISA].

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in 8 Askari oo kamid ahaa Ciidamadii NISA ee fuliyay weerarkii lagu qaadey Hoyga uu ka degan yahay Muqdisho 17-kii bishii December 2017 ay u goosteen dhanka Al Shabaab.

"Xog aan ka helay NISA ayaa sheegaysa in 8 kamid ah Askartii fulisay weerarkii fashilmay ee Gurigayga Muqdisho sanadkii tagey inay dib ugu biireen Al-Shabaab oo markii ay ka yimaadeen," ayuu yiri CC Shakuur.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku tilmaamay arintan inay caddeyn u tahay sida Hay'adda Sirdoonka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya u dhexgaleen, islamarkaana u adeegsadaan argagaxisada.

Siyaasigan, oo kamid ah Musharaxiintii la tartamay Madaxweyne Farmaajo doorashadii 8-dii February 2017, marna soo noqday Wasiir ayaa dhawaan ka tegay Muqdisho kadib markii laga qaadey xayiraadii dhanka safarka.

Dowladda Federaalka ayaa lagu eedeeyay inay si gaar ah u bartilmaameedsato Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo xubnaha katirsan Xisbigiisa, oo qaar isaga uu kamid yahay ay xabsiga dhigtay dhawaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM