CC Shakuur: Villa Somaliya waa halka laga abaabulo Dilalka qorsheysan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdiraxmaan Cabdishkuur ayaa si adag uga horyimid go'aankii maanta kasoo baxay Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir kadib shir jaraa’id oo uu ku qabtay hoyga uu ka degan yahay Muqidsho.

Go'aanka Maxkamadda ee isaga uga mamduucday dalka inuu uga baxo safarada dibadda ayuu ku tilmaamay mid aan la aqbali karin, oo sharci darro ah.

Siyaasiga ayaa sheegay in Dacwadda uu Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ka furay Maxkamadda Racfaanka ay tahay mid siyaasadeysan oo la doonayo in lagu xanibo dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeed.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku eedeeyay Villa Soomaaliya inay tahay meel laga soo abaabulo dilalka qorsheysan iyo Maxkamadeynta Siyaasiyiinta aan ku fekerka ahayn, ee mucaaradka ku ah.

Go'aanka Maxkamadda ayaa dhacay isagoo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ka maqan fadhigii maanta, kadib markii uu qaadacay xalay, mana jirin qareenno uu u wakiishay inay u matalaan dhageysiga.

Maxkamadda Racfaanka ayaa laashay qaraarkii Maxkamadda gobolka Banaadir ee ahaa in aan racfaan laga qaadan karin qaraarkeedii ay ku fasaxday Cabdiraxmaan Cabdishakuur bishii lasoo dhaafay.

Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa la siiyay mudo 90 cisho oo uu kusoo dhameystirayo baaritaankiisa ku aadan Kiiska lagu soo oogay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo qaran-dumis iyo qiyaanno qaran ah.

Qareenno kamid ah Maxkamadda gobolka Banaadir oo gaaraya 8 ayaa lagu ganaaxay lacag gaaraysa $2,000 midkiiba, iyadoo qaarkood shaqada laga joojiyo kadib markii ay isku dayeen inay difaacaan CC Shakuur.

Hoos ka akhri War Saxaafadeedka Xisbiga Wadajir:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM