Ciidamo Ajnabi ah oo howlgal ka fuliyay Gobolka Gedo

Image

GARBAHAAREY - Wararka aynu ka helayno gobolka Gedo, gaara ahaan deegaanada ku dhaw magaaladda Garbahaarey, waxay sheegayaan in ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ay howlgal saf-balaaran ka fuliyeen halkaas.

Howlgalkaan ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii weerar Hoobiyeyaal ah iyo dagaal toos ah ay Ciidamada Kenya kula galeen tuulada Faxfax-dhuun, oo ku dhow Garbahaarey xoogaga Al-Shabaab.

Weerarka Madaafiicda iyo dagaalka, oo aan wali la ogayn khasaaraha ka dhashay ayaa waxaa dadka deegaanku sheegayaan inuu socday ugu yaraan Hal saac, islamarkaana leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Howlgalkaan ay fuliyeen ciidanka Kenya saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa lasoo warinayaa inuu horseeday iska hor-imaad kale oo ay la galeen Al-Shabaab-ka weerarka kusoo qaadey markii hore.

Faah-faahinada ayaa waxay intaas ku darayaan in howlgalkaan ay ciidamada Kenya ku wehlinayeen ciidamo Soomaaliya, kuwaasoo ka kala tirsan Militariga dowladda Federaalka iyo Daraawiishta Jubbaland.

Lama oga khasaaraha ka dhashay howlgalkaan cusub oo ay qaadeen ciidamadaan Huwanta ah, iyo hadii ay jiraan Rag ka tirsan Xoogaga Al-Shabaab oo ay gacanta kusoo dhigeen.

Al-Shabaab ayaa waxay ku xoogan badan tahay Gobolka Jubadda Dhexe oo ay gabi ahaantiisu ay maamusho, halkaasoo la sheegay inay kasoo abaabusho weerarada ka dhanka ah Ciidamada Soomaalida iyo kuwa ajnabiga ah.

Maamulka Jubbaland ayaa dhawaanahaan wuxuu sare u qaaday Gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab, kadib markii uu taageero military ka helay dowladda Federaalka iyo AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM