Ciidamada amaanka oo kala dhexgalay Beelo ku dagaalmay G/Galgaduud

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Ciidamada ammaanka ayaa ku guuleystay inay si buuxda u xaqiijiyaan ammaanka deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud.

Talaabadan ayaa timid kadib markii ay muddo dheer xiisad u dhaxeysay beelaha kasoo kala jeeda Dhuusamareeb iyo Cadaado, kuwaasi oo isku horfadhiyay. Iyadoo taas laga duulayo, saraakiisha ciidamada ayaa soo saaray amaro adag oo lagu xoojinayo amniga deegaanka.

Tallaabooyinka lagu sugayo ammaanka ayaa waxaa ka mid ah in la mamnuucay hubka in lagu dhax wareego magaalada gudaheeda, marka laga reebo ciidamada.

Waxaana xusid mudan in mas’uuliyiin ka tirsan maamulada labada degmo ee Dhuusamareeb iyo Cadaado ay gaareen Xananbuure si ay isaga kaashadaan sidii xal waara looga gaari lahaa colaadda beelaha.

Deegaanka ayaa waxaa soo gaaray burbur aad u balaaran oo ay sabab u tahay colaadda daba dheeraatay, waxaana ka dhashay dib u dhac weyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM