Ciidamada Badda Puntland oo mushahaar la'aan ah iyo Deni oo booqasho qarsoodi ah Thailand ku tagay

Image

GAROWE, Soomaaliya - Ciidamada Booliska Badda ee Puntland"PMPF" ayaa warar Garowe Online heshay sheegayaan in aanay wax mushahaar ah qaadan bishii u danbaysay.

Ilo xog ogaal ah ayaa sababta arintaan ku tilmaamay labo:

1.Shirkadii Gacanta ku haysa Mushahaar bixinta PMPF in ay cabasho ka tahay ciidamadaan oo ka qeyb ahaa dagaal siyaasadeed ka dhacay Garowe kaasi oo ay ku dhinteen 30 qof oo ay ku jiraan caruur iyo haween.
2.Madaxtooyada Puntland oo kabid lacageed ka heshay imaaraatka carabta in ay u isticmaashay dano siyaasadeed oo ay ku doonayso hirgelinta muddo kororsiga sharci darada ah.

Dhanka kale madaxweynaha wakhtigiisa Dastuuriga ah uu sii dhamaanayo, Siciid Deni ayaa booqasho qarsoodi ah ku jooga dalka Thailand.

Dalkaasi ayaa saldhig u ah shirkadaha kaluumaysiga iyada oo mudada xilhayntiisa uu madaxweyne Deni siiyay shatiyo shirkaddo aan tiro lahayn oo ku hawlan kaluumaysiga sharci daradda ah.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa ka digtay bilihii hore ee sanadkaan Jariifka sharci darada ah iyada oo ay qayb ka tahay waxyaabaha ay isku fahmi la'yihiin Deni.

Inta badan ciidamada Puntland ayaan mushahaar helin ku dhawaad sanad iyada oo ay gadood ka sameeyeen Garowe, Badhan, Galkacyo iyo Boosaaso oo dhawaan ay Dekeda qabsadeen ciidamo kasoo dagay buuraha Galgala.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM