Ciidamada Booliska oo soo xiray xubno ka tirsan maleeshiyaad ku dagaalmay G/Shabeellaha Dhaxe

Image

CADALE, Soomaaliya - Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa Nabadsugida Qaranka ayaa ku guuleestay in ay gacanta kusoo dhigaan koox maleeshiyo beeleed ah oo dagaal ka hurinayay Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku guuleystay in ay sugaan ammaanka deegaanada hoos yimaada magaalada Cadale oo maalmihii la soo dhaafay ay ka dhaceen dagaallo beeleedyo.

Ciidamada ayaa sidoo kale deegaano dhowr ah ka fuliyay howlgalo lagu xaqiijinayo ammaanka, waxaana ujeedka uu ahaa in maleeshiyaadka dagaalamaya lagu sameeyo hub ka dhigis.

Ololahan amniga lagu sugayo ayaa kusoo beegmaya iyadoo dagaallo beeleed ay ka dhaceen gobollo kala duwan oo ku yaalla bartamaha iyo koonfurta dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo su'aal geliyay xuquuqda Muwaadinimo 10 milyan oo Soomaali ah

Tan iyo markii la hirgeliyay nidaamka cusub ee NIRA, waxaa kaarka aqoonsiga qaatay ilaa nus milyan oo qof.

  • Soomaliya

    19-09-2025

  • 06:19PM

Hamse Cabdi Barre: Jubaland waxaan ka billaabi doonaa Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

Dowladda federaalka ayaa doorashooyinka u aragta kuwo muhiim u ah dhisidda hay’adaha dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    18-09-2025

  • 12:38PM