Ciidamada Danab oo xarun looga hirgelinayo magaalada Jowhar

Image
Wakiilo ka socday safaaradda Mareykanka ayaa goobjoog ka ahaa wareejinta dhulkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha HirShabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa maanta booqday Taliska Qeybta 5-aad xarunta howgalka kumeel-gaarka ah ee Midoowga Afrika (ATMIS) si ay uga wada hadlaan iskaashiga amni ee u dhaxeeyo Hirshabeelle iyo ATMIS.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa la kulmay wakiilo ka socday safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya taas Jowhar ka hirgelineyso xarun ay leeyihiin ciidamada Danab.

“Danab inay xarun ciidan ku yeeshaan Hirshabeelle waxa ay wax weyn ka tari doontaa dagaalka lagu dhammeystirayo Khawaarijta waxaana si rasmi ah ugu wareejiyay dhulkii ay xarunta ka dhisan lahaayeen.”

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa u diyaar-garoobayo hoggaaminta wejiga 2-aad ee dagaalka Khawaarijta.

GAROW EONLINE

 

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM