Soomaaliya: Ciidamada Deegaanka oo weeraray degamada Ceeldheer

Image

CEELDHEER, Soomaaliya - Ciidamada deegaanka ee ka howlgala gobolka Galgaduud ayaa ku guuleystay inay ka fuliyaan degmada Ceeldheer howgal ka dhan ah ururka ‘AS’.

Xoogaga hubaysan ee deegaanka oo haystay xog ay soo siiyeen Bulshada ku nool degmada Ceeldheer ayaa gacanta ku dhigay horjooge si weyn looga yaqaanay deegaanka kaas oo lagu Magacaabo “Cabaas Garoobshe”.

Sidoo kale Ciidanka deegaanka ayaa nafta dhaafiyey xubin ka tirsan ururka ‘AS’ oo magaciisa lagu soo gaabshay “Ilkacase”, waxayna la wareegeen gaari nuuca Leyla Calaawi oo ay adeegsanayeen “AS”.

Howlgalkaan guulaystay ayaa ka mid ah dhowr howlgal oo ciidanka deegaanka iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka sameeyeen deegaano hoostaga gobolka Galgaduud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM