Ciidamada DF iyo kuwa deegaanka oo fuliyay howlgallo ka dhan ah ‘AS’

Image

Dhuuusamareeb, Soomaaliya - Ciidamo kuwa deegaanka ah ayaa Xalay howlgal qorshaysan ku qaaday dhul howd ah oo ku yaal aagga deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud halkaas oo ay ku dhuumanayeen xubno kartirsan ‘AS’.

Hoggaamiyaha ciidanka deegaanka ee howlgalka fuliyey Hagar Barre ayaa sheegay in Howlgalka khasaare xoog leh lagu gaarsiiyey islamarkaana la soo Afjaray xubaha ku dhuumanaysay goobta ay weerareen, sidoo kalana hub aad u fara-badan ay ka furteen.

Dhanka kale, Labo xubin oo ka tirsan kooxda ‘AS’ ayaa lagu dilay howlgal Ciidanka Qaranka ay xalay ka sameeyeen deegaanka Garilow oo hoos taga degmada Janaale ee Gobalka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka ayaa gacanta ku dhigay laba qori, Bambaanooyin iyo Mooto ay wateen xubnaha ‘AS’ sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Ciidamada dowladda ayaa wada howlgallada ka dhanka ah kooxda ‘AS’ ee ku sugan gobollada dalka siiba Mudug, Galgaduud, Baay, Shabeellaha Hoose & Shabeellaha Dhaxe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo su'aal geliyay xuquuqda Muwaadinimo 10 milyan oo Soomaali ah

Tan iyo markii la hirgeliyay nidaamka cusub ee NIRA, waxaa kaarka aqoonsiga qaatay ilaa nus milyan oo qof.

  • Soomaliya

    19-09-2025

  • 06:19PM

Hamse Cabdi Barre: Jubaland waxaan ka billaabi doonaa Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

Dowladda federaalka ayaa doorashooyinka u aragta kuwo muhiim u ah dhisidda hay’adaha dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    18-09-2025

  • 12:38PM