Ciidamada DF iyo kuwa deegaanka oo fuliyay howlgallo ka dhan ah ‘AS’

Image

Dhuuusamareeb, Soomaaliya - Ciidamo kuwa deegaanka ah ayaa Xalay howlgal qorshaysan ku qaaday dhul howd ah oo ku yaal aagga deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud halkaas oo ay ku dhuumanayeen xubno kartirsan ‘AS’.

Hoggaamiyaha ciidanka deegaanka ee howlgalka fuliyey Hagar Barre ayaa sheegay in Howlgalka khasaare xoog leh lagu gaarsiiyey islamarkaana la soo Afjaray xubaha ku dhuumanaysay goobta ay weerareen, sidoo kalana hub aad u fara-badan ay ka furteen.

Dhanka kale, Labo xubin oo ka tirsan kooxda ‘AS’ ayaa lagu dilay howlgal Ciidanka Qaranka ay xalay ka sameeyeen deegaanka Garilow oo hoos taga degmada Janaale ee Gobalka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka ayaa gacanta ku dhigay laba qori, Bambaanooyin iyo Mooto ay wateen xubnaha ‘AS’ sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Ciidamada dowladda ayaa wada howlgallada ka dhanka ah kooxda ‘AS’ ee ku sugan gobollada dalka siiba Mudug, Galgaduud, Baay, Shabeellaha Hoose & Shabeellaha Dhaxe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM