Al Shabaab oo laga saaray deegaanno ku yaalla Gedo

Image

GARBAHAREY, Soomaaliya - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa Kooxda Al Shabaab kala wareegay saaka deegaano ku yaalla gobolka Gedo oo hoos taga maamulka Jubbaland.

Korneel Axmed Ibraahim, oo kamid ah Saraakiisha ciidamada Militariga Gedo ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in Shabaab ay ka saareen dhowr deegaan oo ku yaalla inta u dhaxaysa degmooyinka Baardheere iyo Garbahaarey.

Axmed ayaa intaasi ku daray in ujeedka Howlgalkooda uu ahaa inay isku fureen wadooyinka ciidamada sahayda u marto ee gobolka Gedo, oo ay ka dhacayeen mudooyinkii damne weeraro Al Shabaab ku qaadaysay goobaha ay dowladda maamusho ee ku dhaw xuduuda Kenya.

"Ma jirin wax iska caabin ah oo ciidamada la kulmeen intii uu socday howlgalkooda, maadaama Al Shabaab isaga baxday deegaanada lala wareegay markii ay maqleen inuu duulaan kusoo wajahan yahay," ayuu yiri Korneel Axmed.

La wareegista deegaanada waxay kusoo beegmayaa xilli ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay kordhiyeen weerarada ka dhanka ah Al Shabaab, iyadoo dhawaan la filaya in dowladda ay qaado howlgal military.

Ciidamada huwanta ayaa rajo ka qabo inay Al Shabaab ka saaraan guud ahaan dalka, kahor inta aysan AMISOM ka bixin Soomaaliya, kaasi oo billaabanaya dhamaadka bishan oo 1,000 la qaadayo.

Inkastoo laga saaray deegaanno iyo degmooyin badan, Al Shabaab wali waxay awoodaa inay fuliso weeraro kuwaasi oo u badan qaraxyo ay ka gaysato magaalada Muqdisho, oo ah xarunta dowladda Federaalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM