Ciidamada DFS ayaa hawlgallo ka fuliyay deegaan ay dhawaan weerareen kooxda "AS"

Image

GURICEEL, Soomaaliya - Ciidamada Xoogga Dalka ayaa maanta howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanka Bari-ujeed ay shalay soo weerareen ururka "AS", iyada oo ay jirtay Khasaare xooggan.

Ciidamada ayaa gaadiid dagaal oo kala duwan waxa ay ku soo daadiyeen deegaanada ku dhow dhow deegaanka Bari-ujeed oo ku teedsan wadada xiriirisa deegaanada Guriceel iyo Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Howlgalkaan ayaa waxa uu jawaab u yahay weerarkii xubnaha “AS” ay ku qaadeen deegaanka Bari-ujeed, waxaana ujeedkooda uu yahay in la xoreeyo deegaanada ay “AS” u adeegsato weerarada ka dhanka ah ciidamada dowladda.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in ay sii laba jibaari doonaan howlgallada maalmaha soo socda, illaa ay gacanta ku dhigaan dhammaan deegaannada dhaca bariga gobolka Galgaduud, sida Ceelbouur & Galhareeri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM