Ciidamada DFS oo shacab ku laayay duleedka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wararka laga helayo duleedka magaaladda Muqdisho, gaara ahaan degaanka Al Biri oo ku dhaw Kontaroolka Siinka Dheer ayaa waxay sheegayaan in Askarta dowladda Soomaaliya ay halkaas ka geysteen Fal isugu jira Dil iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay Saddex qof oo shacab ah ayaa la sheegay inay ku dhinteen, halka tiro kalena ay dhaawacmeen rasaas ay ciidamada dowladda gaara ahaan Milatariga ku furaan Dad shacab ah oo si qasab ah looga barakicinayay guryahooda.

Dadka ayaa la sheegay inay ka banaan-baxayeen burburinta guryahooda ay saaka ku billaabeen Ciidamada dowladda oo wata baldoosaro, iyadoo ay ay howshan hormuud ka ahaayeen saraakiil katirsan dowladda Federaalka, gaar ahaan maamulka degaanka Siinka Dheer.

Goobjooge magaciisa kusoo koobay Cabdiqani oo la hadlay Warsidaha Garowe Online, ayaa xaqiijiyay in labo haween ah iyo canug yar ay ku dhinteen rasaasta Ciidamada ay ku rideen dadka shacabka ah.

Laamaha amaanka ee dowladda Soomaaliya wali wax war ah kama aysan soo saarin dhacadaan ay Ciidamada ku "xasuuqeen Dadka Rayidka ah", inkastoo mas'uuliyiinta uu xiriiro la sameeyay Warisdaha GO ka gaabsadeen inay ka hadlaan.

Dhibaatooyinka dhulalka ayaa waxay ka noqdeen mudooyinkii dambe Muqdisho iyo nawaaxigeeda kuwa soo kordhayay, iyadoo dowladda lagu eedeeyay in mas'uuliyiinteeda qaar ay ku lug leeyihiin boobka dhulka laga kicinayo shacabka barakaciyaasha ah iyo kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM