Ciidamada Dowladda oo burburiyay fariisimo ay "AS" ku leeyihiin gobolka Baay

Image
Ciidamada Dowladda ayaa gobollada dalka ka wada howlgallo xooggan oo ka dhan ah AS.

Baydhabo, Soomaaliya - Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed, halkaasi oo ay ku burburiyeen fariisimo ay ku lahaayeen kooxda ‘AS’.

Howldaglka ayaa ka dhacay deegaanada kala ah Beeley iyo Buur haybe oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, waxaana si gaar u fuliyay Ururka 161-aad guutada 16-aad ee Danab.

Qoraal ka soo baxay Warbaaahinta Dowladda ayaa lagu yiri, “Geesiyaasha Danab XDS ayaa waxa ay burburiyeen fariisamo ay halkaas ku lahayeen Khawaariijta, iyo meel ay dadka shacabka ah kaga qaadi jireen baada ay ugu yeeraan sakaawaadka.”

Ciidamada Dowladda ayaa wada howlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda AS kuwaasi oo inta badan daaran gobollada Baay, Shabeellaha Hoose, Mudug, iyo Galgaduud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM