Ciidamada Dowladda oo burburiyay fariisimo ay "AS" ku leeyihiin gobolka Baay

Image
Ciidamada Dowladda ayaa gobollada dalka ka wada howlgallo xooggan oo ka dhan ah AS.

Baydhabo, Soomaaliya - Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed, halkaasi oo ay ku burburiyeen fariisimo ay ku lahaayeen kooxda ‘AS’.

Howldaglka ayaa ka dhacay deegaanada kala ah Beeley iyo Buur haybe oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, waxaana si gaar u fuliyay Ururka 161-aad guutada 16-aad ee Danab.

Qoraal ka soo baxay Warbaaahinta Dowladda ayaa lagu yiri, “Geesiyaasha Danab XDS ayaa waxa ay burburiyeen fariisamo ay halkaas ku lahayeen Khawaariijta, iyo meel ay dadka shacabka ah kaga qaadi jireen baada ay ugu yeeraan sakaawaadka.”

Ciidamada Dowladda ayaa wada howlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda AS kuwaasi oo inta badan daaran gobollada Baay, Shabeellaha Hoose, Mudug, iyo Galgaduud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Lix kamid ah shaqaalaha Hormuud oo qarax lagu dilay

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda Qaraxa oo ka dhacay deegaanka Garas-Baaley ee duleedka Muqdisho.

  • Soomaliya

    28-04-2024

  • 06:36PM

Mareykanka oo ka hadlay musuqmaasuqa ka dhex-dilaacay taliska Danab

Washington ayaa hakisay qaar kamid ah kaalmadii dhanka difaaca ee ay siin jirtay dowladda Soomaaliya sanadkii 2017.

  • Soomaliya

    28-04-2024

  • 04:39AM