Ciidamada Dowladda oo deegaan Muhiim ah kala wareegay Al-Shabaab

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowladda Federaalka Soomaalia [DANAB], ayaa fuliyay howlgal qorsheysan, oo ka dhan ah Kooxda Al Shabaab ee ku sugan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wararka aan helayno ayaa sheegay in Ciidamada DANAB ay Al Shabaab kala wareegeen deegaan lagu magacaabo Gamboole, oo ku yaalla duleedka magaalada Jowhar, ee xarunta KMG u ah maamulka HirShabeelle.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in gacan ku heynta Gamboole lagala wareegay Al Shabaab, oo ay hadda ku sugan yihiin Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa DANAB oo dhawaan gobolkaasi la geeyay.

Saraakiisha Al Shabaab ayaa saaka kula balansanaa deegaanka Gamboole Ganacsatada gobolka Shabeellaha Dhexe, oo ay kala hadli rabeen arrimo la xiriira bixinta canshuuro laga doonayo goobahooda Ganacsiga.

Dagaalyanada Al Shabaab ayaa faarujiyay deegaanka, kahor inta aysan soo gelin Ciidamada mana jirin wax dagaal ah oo ka dhacay, sida uu Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay Sarkaal katirsan maamulka degmada Jowhar.

Cabsi ayaa soo wajahday dadka deegaanka, oo ka baqdin qaba in Al Shabaab ay kusoo laabato, islamarkaana dushooda ku dagaalamaan labada dhinac, oo hadda ku jira diyaar garow, iyadoo Al Shabaab ay isku aruursanayaan duleedka Gamboole.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM