Ciidamada Dowladda oo dib u qabsaday degmada Ruun-Nirgood

Image

RUUNIRGOOD, Soomaaliya - Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa maanta la wareegay gacan ku heynta degmada Ruun-Nirgood oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ee Hirshabeelle.

Ciidamada dowladda ayaa wali magaalada ka wada howlgallo ay uga saarayaan miinooyinka ay kooxda ‘AS’ ku aaseen ka hor inta aysan ka bixin magaalada.

Ciidanka ayaa awood u yeeshay in ay ‘AS’ ka xoreeyaan magaalooyin badan tan iyo markii lagu dhawaaqay in wax laga bedelay istiraatiijiyadda dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ oo horay loo diyaariyay.

Ciidamada dowladda ayaa bilaabay in ay gacanta ku dhigaan magaalooyinka iyo deegaanada ku xeeran degmooyinka ay bartilmaameedsanayaan, taas oo u fudueysay inay guulo waaweyn ka gaaraan dagaalka socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM