Ciidamada Dowladda oo howlgal ka sameeyay degmada Ceeldheer

Image

CEELDHEER, Soomaaliya - Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa maanta howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka waxa ay ku qaadeen fariisimo ku yaalla degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud oo ay ku sugnaayeen ururka ‘AS’.

Taliska ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in howlgalkaasi guulo laga gaaray, islamarkaana lagu dilay horjooge ka tirsanaa AS, mid kalena lagu soo qabtay.

Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay gaari nuuca Leyla Calaawi oo ay wateen ‘AS’ oo ku sugnaa koonfurta deegaanka Mudug.

Ciidamada amaanka ayaa howlgalo gaar ah oo ka dhan ah ‘AS’ ka wada magaalooyinka gobolka Galgaduud si dalka looga ciribtiro, iyada oo dhawaan la furi doono wajiga 2-aad ee dagaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM