Ciidamada Dowladda oo howlgal ka wada gobolka Shabeellaha Hoose

Image
Dowladda Federaalka ayaa waddo howlgallo ay ka fulinayso deegaanada Shabeellaha Hoose.

Janaale, Soomaaliya - Ciidamada Amniga oo kaashadeen Saaxiibada caalamka ayaa Hawlgal ka fuliyay tuulada Ugunji ee hoos tagta magaalada Janaale ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Hawlgalkaan ayaa lagu beegsaday horjoogayaal ka tirsan kooxda “AS”m sida lagu sheegay qoraal ay dowladdu soo saartay.

Hawlgallada ayaa lagu dilay Maxkamad ay ‘AS’ ku lahaayeen deeganadaasi waxaana lagu qaarajiyay ilaa todobo horjoogayaal iyo xubno ka tirsan kooxda.

Xubnaha la dilay ayaa waxaa ka mid ah Cadnaan oo u qaabilsanaa kooxda diiwaan galinta shaqsiyaadka shacabka ah ee la rabo lacagaha in laga qaado iyo horjeege ku xigeenka “AS” u joogga Ugunji Horjooge Yaxye.

Dowladda Federaalka ayaa waddo howlgallo ay ka fulinayso deegaanada Shabeellaha Hoose iyo Galgaduud, xilli lagu dilay xubno ka tirsan kooxda AS, lana burburiyay goobo ay leeyihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM