Ciidamada Dowladda oo howlgal ku burburiyay xaruntii kaydka hubka “AS” ee Galgaduud

Image
Ciidamada NISA ayaa duqeymo ku wada goobo ay leeyihiin kooxda ‘AS’,

Galhareeri, Soomaaliya - Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Saaxiibada caalamka ayaa maanta howlgal ka fuliyay deegaannada Jacar iyo Garab la’ ee dhaca gobalka Galgaduud ee Galmudug.

Qoraal kooban oo ay soo saartay Hay’adda Nabadsugida & Sidoonka Qaranka ayaa lagu sheegay in Ciidamada Dowladda ay ku guuleysteen burburinta xarumo ay xubnaha ‘AS’ ku keydinaayeen hubka iyo gaadiidka.

Ciidamada NISA ayaa maalmahan duqeymo ku wada goobo ay leeyihiin kooxda ‘AS’, kuwaas oo ku kala yaala gobollada dhaxe, sida Hiiraan, Mudug iyo Galgaduud.

Goobaha la beegsaday ayaa isugu jiray Guryo ay degnaayeen xubno sarsare oo ka tirsan kooxda, idaacado ku hadasha afkooda, iyo goobo lagu keydiyo Hubka iyo Gaadiidka.

Dhanka kale, Waxay hay’adda NISA xirtay Website-yo ay kooxdu u isticmaali jirtay faafinta wararka ku saabsan weerarada ay ka fuliyaan Koonfurta dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM