Ciidamada Dowladda oo howlgallo ka fuliyay duleedka degmada Xarardheere

Image
Koonfurta gobolka Mudug ayaa waxaa ka socda dhaq-dhaqaaq amni.

Xarardheere, Soomaaliya - Ciidanka XDS iyo kuwa deegaanka ee degmada Xarardheere ayaa ku guuleystay inay la wareegaan fariisin iyo gooba ay isku aruursanayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda AS.

Howlgalka ayaa iska kaashaday Kumandooska Danab, Gorgor iyo Ciidanka deegaanka ayaa ka dhacay bacadka Faarax Aadan oo u dhaw degmada Xarardheere ee gobalka Mudug.

Ciidanka ayaa ku guuleystay bur burinta fariisin AS ay ka sameysteen bacadka Faarax Aadan, waxaana hadda goobta ku sugan Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Koonfurta gobolka Mudug ayaa laga dareemayaa xaalad amni oo xasaasi ah, iyadoo Al-Shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta ay deegaano ay dhawaan isaga baxeen ciidamada dowladda.

Khubarada amniga ayaa ka cabsi qaba in ka bixitaankan ay halis ku noqon doonto magaalada Xarardheere, isla markaana ay wiiqi doonto xilli la filayo inay weerarto kooxda AS.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM