​Ciidamada dowladda oo isaga baxay Moqokori iyo Al Shabaab oo la wareegtey

Image

MOQOKORI, Somalia- Ciidamada dowladda Federaalka Somalia ayaa faarujiyay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, oo maalintii shalay kala wareegeen Kooxda Al shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in Malleeshiyada Al Shabaab dib u qabsadeen Moqokori, saacado kadib markii ay ciidamada dowladda Soomaaliya faarujiyeen saldhigyadooda militari ee ku yaalla degmadaasi.

Ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Ethiopia ayaa shalay ka saarey degmada Kooxda Al shabaab, iyadoo aan wax dagaal ah dhicin, sida dadka deegaanka qaar u sheegeen Warsidaha GO.

"Xalay ayay ku hoydeen ciidamada dowladda degmada Moqokori, saakayna dib ayay uga soo baxeen, sababtoo ah waxaa xalay kasoo tagey ciidankii dowladda Ethiopia ee shalay ku wehliyay soo galidooda," Ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka.

 Ciidamada dowladda Somalia, ayaa lagusoo waramayaa inay usoo ruqaansadeen dhanka magaalooyinka Mahaas, iyo Beledweyne, iyadoo Saraakiishu ku warameen inay xeelado military uga soo baxeen Moqokori.

Xaaladda Degmada Moqokori ayaa deggan maanta, waxaana Al shabaab ay ku sugan yihiin gudaha saldhiga degmada iyo xaruumaha maamulka, waxayna difaacyo ka samaysteen daafaha magaalada.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, gaar ahaan ciidanka Ethiopia ayaa mudooyinkii dambe dhaq-dhaqaaqyo military oo ka dhanka Al shabaab ka waday degmooyin iyo deegaanno ku yaalla gobolka Hiiraan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM