Ciidamada Dowladda oo Jubadda Hoose ku dilay 35 ka tirsan AS

Image
Waxaa socda duqeymo dhanka cirka ah oo lagu beegsanaayo goobaha ay ku suganyihiin Xubnaha Kooxda.

Kismaayo, Soomaaliya - Ciidamada Dowladda ayaa maalintii sedexaad howgal ka fuliyay deegaanada ay kooxda AS kaga sugan yihiin gobolka Jubbada Hoose ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland.

Howlgalkan ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay Ciidanka kumaandooska Danab gaar ahaan ururka 162aad guutada 16 aad iyo Ciidanka Jubbaland, waxaana lagu dilay Xubno ka tirsan kooxda.

Howlgalka ayaa ka dhacay gediga shishe ee webiga Jubba sidaa tuulooyinka Muuse-xaaji, Malaaylay, Turdho, Baxar-saafka, iyo degaano kale, waxaana lagu burburiyay godod ay sameysteen AS.
.
Howlgalka ayaa la sheegay in lagu dilay 35 xubin ka tirsan kooxda oo ay ka mid yihiin Ajaaniib iyo Soomaali, sida horjooge lagu tilmaamay Jaabir iyo horjoogihii sirdoonka Saadiq iyo horjoogihii qaraxyada uqaabilsanaa oo lagu magacaabo Cabdiqani.

Waxaa sidoo kale ay Ciidamada gacanta ku soo dhigeen 7 xubin oo ka tirsan kooxda.

Waxaa sidoo kale socda duqeymo dhanka cirka ah oo lagu beegsanaayo goobaha ay gabaadka ka dhiganayaan Xubnaha Kooxda sida ay shaaciyeen ilo ka tirsan dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM