Ciidamada Dowladda oo la wareegay deegaano hor leh

Image

CAMAARA, Soomaaliya - Ciidanka Qaranka oo kaashanaya ciidanka daraawiishta galmudug iyo cutubyo ka tirsan kuwa deegaanka ayaa ku guulaystay in ay xoreeyaan magaalooyinka Bacaadweyn, Qaycad iyo dhul balaaran oo u dhexeeya Qodqod iyo Camaara.

Dadaalkan wadajirka ah ayaa muujinaya guul weyn oo laga gaaray howlgalka socda ee lagu soo celinayo nabadda iyo xasilloonida Dowlad-Goboleedka Galmudug..

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Kooxda AS ay isaga baxeen Deegaanka Camaara, maadaama ay ciidamadu la wareegeen dhamaan difaacyaday ay ku ilaalinaayeen magaalada.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa si deg deg ah ugu dhaqaaqay duleedka deegaanka Camaara, iyagoo halkaasi ka bilaabay howlgalo sifeyn ah oo ay ku xaqiijinayaan amaanka deegaanada laga saaray 'AS’.

Waxaana la filaya in saacadaha soo socda ay dowladdu si buuxda ula wareegto magaalada Camaara oo ay muddo maamulyeen kooxda argagaxisda ah ee Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM