Ciidamada dowladda Somalia oo toogtay nin laga shakiyay

Image

MUQDISHU, Somalia- Ciidamada ammaanka dowladda Federaalka Somalia, ee ku sugan magaalada Muqdishu ayaa maanta toogtay nin watay baaburta dadweynuhu isticmaalaan ee loo yaqaano Caasiga (PL), kaasoo meel ku dhow xerada sida weyn loo ilaaliyo ee Xalane.

Toogashada ayaa ka dhacday degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, waxaana falkan yimid kadib markii ciidanku ku amreen darawalka dhintay inuu joojiyo baabuurka.

Digniinaha la siiyay ayaa wararku sheegayaan inuusan ka jawaabin, isagoo waqtigaas ku soconayay xawaare sare.

Ciidanka ayaa markii dambe dilay ninkaas, waxaana loo yeeray ciidanka AMISOM oo baaritaan ku sameeyay baabuurka iyo ruuxii watay, kaasoo markii hore loo qabay inuu sido waxyaabaha qarxa.

Baaritaan kadib ayaa la ogaaday inuusan ninkaas iyo baabuurkiisa aysan ku xirnay miino, balse uu ka cararay ciidamada aruuriya Canshuurta.

Ehelka marxuumka dhintay ayaa goobta ka qaaday maydka kuwaasoo ku duugay magaalada Muqdishu.

Majirto wax war ah oo tallaabadan ay kasoo saartay dowladda Somalia iyo maamulka gobolka Banaadir intaba.

Dilalka noocan ah ayaa inta badan ka dhaca magaalada Muqdishu taasoo ay ugu wacantahay falalka amni darro ee ka jira caasumadda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo xayiraad saartay Duulimaadyadii Baydhabo

Dhinaca kale, Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya (SCAA) ayaa iska fogeysay in ay jirto xanibaad rasmi ah oo ay iyagu soo rogeen.

  • Soomaliya

    17-03-2026

  • 11:32AM

Villa Somalia oo xiriir la samaysay Laftagareen si looga hor tago doorasho inuu qabsado

Falanqeeyayaasha ayaa ka digaya haddii cadaadiskan uu sii socdo, in Laftagareen uu ka bixi karo isbaahaysigii hore.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 07:27PM