Ciidamada Ethoipia oo ka baxay Ceelbuur iyo Al Shabaab oo qabsatay [Dhagayso]

Image

CEELBUUR, Somalia - Wararka aan ka helayno gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in malleeshiyaad katirsan Al shabaab ay la wareegtay degmada Ceelbuur kadib markii ay saaka faarujiyeen ciidamada Itoobiya.

Gudoomiyaha maamulka Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Kooxda Al shabaab ay si buuxda ula wareegtey gacan ku heynta degmada, iyadoo aan wax dagaal ah dhicin.

Nuur ayaa sheegay in aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambaysa in ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM kasoo baxeen magaalada Ceelbuur, balse waxa uu xusay inay arintaasi ka xun yihiin maamul ahaan.

Ciidamada Itoobiya ayaa maamulayay degmada Ceelbuur tan iyo 2013-kii.

Al shabaab ayaa la sheegay inay sidoo kale la wareegeen deegaanno ku dhaw degmada oo ay horay ugu sugnaayeen ciidamada dowladda.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka Somalia iyo taliska AMISOM oo ciidamadan hoos yimaadaan.

Inta badan Xarakada Al Shabaab ayaa gacanta ku dhiga goobaha ay ka baxaan ciidanka dowladda, waxaana arrintaas dhibaato kala kulma dadka shacabka ah oo inta badan Shabaab ku dhibaateeyaan inay gacan saar la lahaayeen dowladda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM