Ciidamada ilaalada Villa Somalia oo la geeyay Baydhabo iyo wararkii ugu dambeeyay

Image
Image

BAYDHABO, Somalia - Cutubyo ka tirsan Ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyadda Somalia ayaa lagu waramayaa in loo daabulay magaalada Baydhabo ee caasimada KMG ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Ciidamadaan ayaa horudhac waxay uyihiin wafuud ka socota dowladda dhexe, kuwaasi oo lagu wado inay maalmaha soo socda ay gaaraan halkaasi, si ay uga qaybgalaan caleemo-saarka Madaxwayne Cabdicasiis Laftagareen.

Sida uu xogta ku helay warsidaha Garowe Online, xoogaga oo qayb kamid ah ay gaareen Baydhabo Fiidnimadii Axada ayaa la wareegay gabi ahaanba amaanka Madaxtooyadda, halkaasi oo ay ka qabsoomayso munaasabada.

Laftagareen oo ku guuleysta doorasho muran dhalisay oo ka qabsoontay xarun goboleedka Bay, 19-kii bishii November ee sanadkii 2018, ayaa loo mudeeyay in la caleemo-saarka 16-ka bishaan Janaayo.

Gen Mahad Cabdiraxmaan Aadan, taliyaha Booliska Koonfur Galbeed, oo carabka ku dhuftay inay ka go’an tahay inay sugaan nabad-gelyadda wafuuda imaanayso Baydhabo ayaa ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan hay’addaha amniga.

Safiirka dowladda Mareykanka uqaabilsan Somalia, Donald Yamamoto, ayuu Taliyuhu daboolka ka qaaday inuu kamid yahay mas'uuliyiinta ay filayaan inay kasoo qaybgasho xafladda caleemo-saarka.

"Waxaa naga go’an inaan sugno amniga madaxda halkaan imaanayso oo ay kamid yihiin madaxda Qaranka, safaarada Mareykanka, shacabka meel kasta oo ay joogaan hala shaqeeyaan amniga," ayuu raaciyay.

Laftagareen oo ku guuleystay coddeynta wreegii 1aad ayaa helay 101 cod, isaga oo taageero ka helay Villa Somalia, taasi oo la sheegay inay ku kabtay dhaqaalo xoogan, inkasta oo aysan goobjoob ka ahayn Beesha Caalamka.

Related Articles

Kooxda Xuutiyiinta oo ka Digtay Joogitaanka Israa'iil ee Somaliland

In kasta oo Somaliland ay ku dhawaaqday madax-bannaanida Soomaaliya sannadkii 1991-kii, haddana weli ma helin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    19-04-2026

  • 02:07PM

Lafta-Gareen oo fagaaraha kasoo muuqday kadib markii lagu tuurey xukunka Koonfur Galbeed 

Cabdiasiis Laftagareen wuxuu u ballan-qaaday xulafadiisa in xiriirkooda siyaasadeed uusan halkaas ku dhammaan doonin.

  • Soomaliya

    18-04-2026

  • 01:57PM