Ciidamada ilaalada xadka Romania oo qabtay qaxooti Soomaali ku jiraan

Image

BUCHAREST, Romania – Ciidamadda ilaaladda xuduudaha dalka Romania ayaa sheegay in ay qabteen 37 qaxooti ay Soomaali ku jiraan kuwaasoo doonayey in ay qaab lug ah ku gaaraan waddanka deriska la ah ee Hungary.

Sidda laga soo xigtay qoraal kasoo baxay taliska, soo-galootigan ayaa kasoo kala jeeda; Afghanistan, Syria, Iraq, Iran iyo Soomaaliya.

Bayaanka oo saxaafada lala wadaagay ayaa intaas ku daraya in magan-gaylo doonayaasha ay 28 kamid ah ay rag yihiin, laba dumar ah iyo saddex caruur ah isla markaana ay da'dooda u dhaxeyso todoba sano jir illaa 50-jir.

"Laba koox ayay kala ahaayeen; qeybta koowaad waxaan ku qabanay qadka xagaaran, halka laba koox kale ay isku qariyeen laba gaari iyagoo rabay in ay si sharci darro ah ku gudbaan," ayaa la raaciyey warka qoraalka.

Taliska ayaa sheegay in ay sii xoojinayaan howlgalada ay ka sameeyaan xuduudaha si ay u baajiyaan qulqulka soo cusboonaaya ee qaxootiga kaasoo bilooyin kahor u hakaday sabab la xiriirta aafada Coronavirus.

"Cidii lagu qabtay iyaddoo damacsan in ay si sharci darro ah ku talaabta waxaa amar lagu bixiyey in laga qaado talaabo sharciga waafaqsan," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka oo loogu digay qaxootiga.

Inta badan wadamada ay dadkooda ka qaxaan waxaa sabab u ah colaado, shaqo la'aan iyo nidaamka dowladeed oo ka jira oo aysan la dhacsaneyn, balse waxay qaarkood ku hungoobaan riyadii ay ka filayeen jidaha ay aadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM