Ciidamada Itoobiya oo loo diidey in ay galaan degmada Matabaan

Image
Isniintii ayay ahayd markii ciidamo aad u tiro badan oo Itoobiyaan ah ayaa sidoo kale soo gaaray nawaaxiga magaalada Doolow ee dalka Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamo badan oo Itoobiyaan ah ayaa shalay oo Jimco ah lagu arkay magaalada Matabaan ee dalka Soomaaliya, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Mid ka mid ah saraakiisha deegaanka ayaa laga soo xigtay in ciidamada Itoobiya ay dib u laabteen ka dib markii ay la kulmeen madaxda iyo odayaasha deegaanka.

Isniintii ayay ahayd markii ciidamo aad u tiro badan oo Itoobiyaan ah ayaa sidoo kale soo gaaray nawaaxiga magaalada Doolow ee dalka Soomaaliya.

Saraakiisha Itoobiya ayaa la sheegay in ay la kulmeen odayaasha deegaanka. Bogga rasmiga ah ee Facebook-ga ee ENDF ayaa wax ka qoray dhaqdhaqaaqyada iyo shirarka ay la leeyihiin odayaasha Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo u safray dalka Algeria

Wafdiga Madaxweynaha ku wehliya safarka waxaa ka mid ah xubno ka tirsan golaha Wasiirrada Soomaaliy.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 10:56AM

Aabbe lagu eedeeyay inuu gubay afar carruur ah oo uu dhalay oo lagu xiray Hargeysa

Dadka Deriska ayaa xaqiijiyay in lammaanaha ay isla soo muuqdeen maxkamad subaxnimadii dhacdadu dhacday.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 06:07AM