Ciidanka DF iyo AMISOM oo "iska caabiyey" weerar lagu soo qaadey

Image

JOWHAR, HirShabelle – Mas'uuliyiin ayaa shaaca ka qaadey in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay iska caabiyeen weerar lagu qaadey saldhigooda.

Xerada la beegsaday ayaa ku taala nawaaxiga degaanka Ceel-geelow oo 18 KM dhanka waqooyi kaga aadan magaaladda Balcad.

Maleeyshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in ay ka dambeeyaan duulaankaas "dhicisoobay".

Illo degaanka ah ayaa xaqiijiyey in weerarka kadib ay heehaabayeen degaanka diyaarado noocaan aan duuliyaha lahayn ah.

Diyaaradaha ayaa la xaqiijiyey in ay baadigoobayeen dagaalameyaasha gulufka kusoo qaadey fariisinka ciidamada huwanka ah.

Maamulka degaanadaas ayaa waxay guulo ka sheegteen dhacdadaas. Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo Al-Shabaab kasoo baxay.

Weerarkaan ayaa yimid maalmo kadib markii la dilay Baashiir Qoor-qaab oo ahaa sarkaal xilal muhiim ah u hayey xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM

Soomaaliya: Agaasimihii Hore ee NISA oo Wasiirka Gaashaandhigga Ku Eedeeyay Cabsi-gelin Siyaasadeed

Hadalka Sanbaloolshe ayaa yimid kaddib markii Wasiir Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in dowladda ay "u naxariisatay".

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 08:53PM